WALAWEYN (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Walaweyn ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen ilaa 2 Urur oo ka tirsan ciidamada Gor-Gor ee Milateriga Soomaaliya kuwaasoo ay tababarka iyo qalabeyntaba ka caawiso Dowlada Turkiga.
Ciidamadaan waxaa la hadal hayaa inay dhanka dhulka uga sii gud-bi doonaan dhanka Magaalada Buurhakaba oo Dowladu ku diyarineyso ciidamo weerar ku qaada Magaalada Baydhaba si ay xukunka uga tuuraan Madaxweynaha Maamulka Koofur-Galbeed Ccasiis lafta-gareen oo ay isku dhacsan yihiin madaxda sare ee Dowlada kadib markii uu ka soo hor jeestay Villa Somalia.
Kumaandooska Gor-Gor ee lagu sii daabulay Magaalada Walaweyn ayaa la soo sheegayaa inay qeyb ka yihiin qorshaha Dowlada Madaxweyne Xasan ee ah inay xukunka ka tuuraan Ccasiis Lafta-gareen xili isaguna diyaar garow ku jiro,walibna laga yaabo inay Itoobiyaanka garab ka helaan markaasoo dagaalku waji kale yeelan doono.
Hadii Iroobiyaanku toos ula saftaan ciidamada Ccasiis lafta-gareen waxaa mar kale suurtagal ah in dagaal qabow uu ka dhex qarxo Dowladaha Somalia iyo Itoobiya islamarkana uu markaas Madaxweyne Xasan amar ku bixin doono in gabi ahaanba Ciidamada Itoobiya ka baxaan Somalia.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

ITOOBIYAANKA WAXAA WADATO DOWLADDA LAFTA GARIIN EE MAAMUSHO DHULKA_
SOMALIYA QEEYB KA MID AH; WAR MAAD KA JOOGTAAN INTII GHOOR GOORITAHAYM;