HomeWarkiiDowlada Somalia oo Diyaaradaha difaaca hawada ka heshay Turkey

Dowlada Somalia oo Diyaaradaha difaaca hawada ka heshay Turkey

Waxaa soo baxaya warar aaney Dowladu xaqiijin oo sheeaya in Turkidu Somalia siiyeen diyaarada dagaal oo ah nuuca aan duuliyaha lahayn islamarkaana aad ugu wanaagsan difaaca amniga hawada sare ee Dalkeena Somalia.

Diyaaradaha la siiyay Dowlada Somalia waxaa tiradooda lagu sheegay ilaa 4 nuuca aan duuliyaha lahayn waxaana magacooda lagu sheegay  Bayraktar Akıncı ah kuwaasoo ka mid ah kuwa casriga ah ee Turkigu farsameeyo.

Awooda howlgalka diyaaradaan ayaa lagu sheegay inay hawada dhaq dhaqaaq ku sameyn karto ilaa 7500 KM iyadoona intaasi ku fulin karta howlgal saacado badan socon kara.

Ciidamada Cirka Somalia hadii loo tababaro isticmaalka diyaaradaan waxay wax badan ka badeli kartaa adoowa difaaca hawada Somalia oo la ogyahay in marar badan lagu soo xad-gudbo xili Dowladuna waxba ka qaban karin inay Qaramada Midoobe u dacwooto maahee.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

May be an image of aircraft and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -