GARBAHAAREEY (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Garbahaareey ayaa sheegaya in halkaasi Dowlada Somalia ku diyaarisay xaruntii lagu qaban lahaa shirweynaha lagu dhisayo Maamulka Jubaland-ta cusub madaama Dowladu kalsoonida kala laabatay Axmed Madoobe oo xaruntiisu tahay Kismaayo.
Dhisme ku yaal Magaalada Garbahaareey ayaa la qurxiyay loona diyaariyay dhismaha Jubaland-ta cusub xili aad loo hadal hayo in maamulkaani Dowladu wado inuu Madaxweyne ka noqon doono Siyaasi reer Gedo ah islamarkana hada ka tirsan madaxda Dowlada Somalia.
Warar sidoo kale ku dhaw dhaw Dowlada Somalia ayaa sheegaya in shirweynaha maamul dhisida Jubaland-ta cusub la bilaabi doono marka Dowladu si rasmi ah uga soo jeesato dhameystirka Maamulka Waqooyi-bari Somalia kaasoo hada gabaabsi maraya xili xalay si rasmi ah loo shaaciyay Golaha Baarlamaanka Maamulkaasi oo dhawaan dooran doona gudoon kadibna waxaa loo jeesan doonaa doorashada Madaxweynaha ugu danbeyn.
Dowlada u muuqata inay Axmed Madoobe kaga adkaatay gobolka Geddo markii ciidamadii mamulkaasi lagu jabiyay dagaalkii Balad-xaawo kadina loo eryay dhanka Kenya tasoo Dowlada u sahli doona qabashada shirweynaha lagu dhisayo Maamulka Jubaland-ta cusub walow aan la ogeyn sida laga yeeli doono laba Jubaland oo iska soo horjeeda oo Kismayo iyo Garbahaarey ay xarumo u kala yihiihn.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
