MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Tamarta Xukuumada Somalia C/laahi Bidhaan ayaa ka hadlay shirkadaha tirada badan ee Magaalada Muqdisho biyaha siiya kuwaasoo xitaa ka qarash batay korontada xiligaan lagu jiro islamarkaana keentay cabashada badan ee ka soo baxeysa shacabka ku dhaqan Magaalada.
Wasiirka wuxuu sheegay inay qorshe ka leeyihiin dhibaatada ay leedahay shirkadaha tirada badan ee hadana shacabka ka qaadaya lacagaha badan xili xitaa aysan bixineyn biya wanaagsan oo nadiif ah.
Wasiirka wuxuu sheegay in ka xukuumad ahaan qorsheeyeen in dadka Muqdisho ay heleen biya raqiis ah islamarkaana nadiif ah, isagoo xusay in shirkadaha qaarkood aanba la aqoon ceelka ay dadka biyaha ka siiyaan halka uu ku yaal iyo nadaafadiisa intaba.
Haddaba halkaan ka daawo muuqaalka Wasiir Bidhaan oo sharaxaya qorshaha ay ka leeyihiin shirkadaha biyaha:-
