HomeWarkiiDowlada Somalia oo guul weyn ka soo hoysay Shirkii xalay QM...

Dowlada Somalia oo guul weyn ka soo hoysay Shirkii xalay QM yeelatay

Shirkii Golaha Amaanka ee QM ee looga hadlayay arrimaha aqoonsiga Yuhuuda siisay Maamulka Somaliland ayaa laga wada cambaareeyay isku deyga Yuhuuda,waxaana ka mida dalalka iyo Hay’adaha ka hor yimid damaca Israa’iil dhamaan dalalka 15-ka ah ee Golaha amaanka ku jira marka laga reebo Mareykanka.
Sidoo kale Hay’adaha iyo dalalka AU, Arab league, Jabuuti, Turkiga iyo kuwa kale ayaa ka mid ah kuwa cambaareeyay kuwaasoo sharci darro ku tilmaameen go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu mar kale si buuxda u adkeeyay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxana xusid mudan in 4-ta dal ee heysta diidmada qayaxan Britain,ranace,Russia iyo China inay dhamantood garan istaageen Dowlada Somalia iyagoona cambareeyay isku deyga Israa’iil.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Dhismaha Nabadda Khaled Khiari, oo ka hadlay kulanka Golaha Ammaanka, ayaa carrabka ku adkeeyay in mowqifka Golaha ee Soomaaliya uusan isbeddelin, isla markaana uu ku dhisan yahay sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, kaasoo muujinaya taageerada joogtada ah ee caalamku u hayo midnimada Soomaaliya.
Sidoo kale Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Mr.Abuukar Baalle ayaa hadal uu ka jeediyay shirka wuxuu jawaab adag ka bixiyay hadalka danjiraha Israa’iil isagoo la yaab ku tilmaamay in Israa’iil ay ka hadasho Xasuuq loo gaystay Gobolada waqooyi ee Soomaaliya, xili la ognahay xasuuqa bahalnimada ah ee ay ka Israa’iil ka wado  dhulka reer Falastiin.
May be an image of one or more people and text that says "SOMALIA"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -