Warar ku dhaw dhaw Dowlada Somalia ayaa sheegaya in goor dhaw hawada Somala laga celiyay diyaarad Itoobiya laga leeyahay oo ay soo kireysatyay Dowlada Imaaraadka Carabta islamarkaana soo rabtay Magaalada Muqdisho.
Sirdoonka Qaranka ayaa qeyb weyn ku lahaa xooransiga iyo oganshaha diyaaradaani inay u kireysan tahay Imaaraadka Carabta taasoo cirka sii gelineysa xiisada ka dhex taagan Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka.
Xogta la helayo waxa sheegeysaa in diyaaradaani Imaaraadku doonayeen inay ku daad gureeyaan ciidamo kaga sugan Magaalada Muqdisho lamana oga sababta Dowladu u diiday madaama Dowladu ku amartay imaaraadka inuu kala baxo Somalia waxa ka yaal.
Dhanka kale lama oga waxa ka dhalan kara in Itoobiya diyaaradeeda laga celiyo Somalia madaama labada dal xirirkooda uu wanaagsan yahay xiligaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
