HomeWarkiiDowlada Somalia oo ka hor-istaagtay Wariyeyaal Israa'iil  u dhashay safar ay Hargeysa...

Dowlada Somalia oo ka hor-istaagtay Wariyeyaal Israa’iil  u dhashay safar ay Hargeysa ku tagi lahaayeen

Dowlada Somalia ayaa la sheegay inay joojisay oo kansashay safar ay Hargeysa ku tagi lahaayeen Wariyeyaal Israa’iil  u dhashay kuwaasoo doonayay inay gudaha Gobolada waqooyi qaarkood ka tabiyaan waxa ay ku sheegeen aqoonsiga maamulka Somaliland.

Wararka aab helnay ayaa sheegaya in wariyayaasha madaama ay Somalia u soo socdaan markii ay damceen viisaha loo sheegay inay qasab tahay inay Dowlada Somalia ka qaataan adeega E-visaha taasna ay keentay in loo diido madaama ay ka shaqeynayaan kala goynta somaliweyn.

Baare Turki ah ayaa bartiisa X ku shaaciyay caqabadaha ay wariyayaashaan la kulmeen todobaadkaan kadib aqoonsigoodii Somaliland,wuxuu sheegay ninka turkiga ah in shirkadaha diyaaradaha ay ku xujeeyeen inay E-visa ka soo dalbadaan Dowlada Somalia taasina ay baajisay socdaalkoodii Hargysa markii loo diiday.

Siyaasiga C/raxmaan Ceynte  oo ka hadlay arintaan ayaa sheegay Somalia adeegsatay awood

Mid ka mid ah aaladaha ugu muhiimsan ee Somalia ku difaacato qaranimadeeda iyo midnimadeeda dhuleed waa awooda ay u leedahay inay dal ku galyada ama viisooyinka u diido dadka soo galaya dalkeeda,ma jirto shirkad caalami ah ama gudaha oo ku dhiiran karta inay jabiso  siyaasadaasi”ayuu yiri C/raxmaan Ceynte

Sidoo kale wuxuu sheegay inaan xitaa diyaarad qaas ah awood u lahayn inay ku degtpo garoomada diyaaradaha dalka amar la’aanta Dowlada Somalia.

Talaabada Dowladu qaaday waxay banaanka keentay fashilka Yuhuuda oo 26-kii bishaan shegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland madaama aysan iyagi xitaa tagi karin Hargeysa.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -