HomeWarkiiDowlada Somalia oo ka qeybgashay kulan ku saaban Ladagaalanka Musuqmaasuqa Dowladaha Carabta+SAWIRRO

Dowlada Somalia oo ka qeybgashay kulan ku saaban Ladagaalanka Musuqmaasuqa Dowladaha Carabta+SAWIRRO

May be an image of dais and textHantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalay “Madasha 3aad ee Horumarinta Daahfurnaanta iyo Ladagaalanka Musuqmaasuqa Dowladaha Carabta”, kaas oo ka dhacay magaalada Qahira ee dalka Masar, sidoo kalena ay ka soo qaybgaleen saraakiil sarsare, hay’ado caalami ah iyo quburo ku xeel-dheer dowlad wanaagga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa.

Madasha ayaa bidhaamisay kaalinta teknolojiyadda iyo dhijitaalka ee ku aaddan xoojinta hufnaanta iyo daahfurnaanta la xiriirta dejinta siyaasado/qorshooyin dadweyne oo wax weyn ku kordhiya dowladnimada, iyada oo loo marayo in ay dalalka Carabta iyo hay’adaha caalamiga ah is weydaarsanayaan waaya-aragnimadooda iyo dhaqamada maamul wanaagga.

Hantidhowraha Guud ee JFS oo khudbad ka jeediyey madasha ayaa sheegay in Soomaaliya ay bilowday dhijitaaleynta isla-xisaabtanka, iyada oo laga faa’iideysanayo teknoloojiyadda. Waxa uu xoojiyey muhiimadda ay leedahay in dalalka Carabta ay iska kaashadaan horumarinta hufnaanta iyo bobcinta kalsoonida dadweynaha.

Madashan Saddexaad ee Dowladaha Carabta waa fadhi ay Dowladaha Carabtu isku weydaasrsadaan waaya-aragnimadooda, ayna ku horumariyaan hal-abuurka ah in xal dhijitaaleysan loo helo isla-xisaabtanka, si loo adkeeyo dowladnimada.May be an image of dais and textMay be an image of one or more people and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -