HomeWarkiiDowlada Somalia oo kala miireysa bishaan xilalka wasiirrada iyo xildhibaannada.

Dowlada Somalia oo kala miireysa bishaan xilalka wasiirrada iyo xildhibaannada.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ilo ku dhaw Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Dowlada Somalia qorsheysay bishaan hada dhalatay ee Oktobar inay dhaqan geliso Dastuurka cusub gaar ahaan qodobka diidaya inaan hal masuul isku heysan karin xildhibaanimo iyo Wasiirnimo.

Wararku waxay tilmaamayaan bishaan Oktoobar inta lagu jiro Dowladu qorsheysay in la kala saari doono xilalka wasiirrada iyo xildhibaannada islamarkaana masuuliyiinta isku ah ay kala dooran doonaan mid inay qaataan midna ka tagaan.

Waxaa jira Wasiiro badan oo caan ah kuwaasoo ay ka mid yihiiin Wasiirada Gashaandhiga,Amniga,Waxbarashada iyo kuwa kaloo badan iyadoo ay adkaan doonto in masuuliyiinta qaar kala doortaan mdaama xildhibaanimada masuulkii ka taga reerku ka tashan doonaan islamarkaana mid cusub soo dooran doonaan.

Wasiiro waxaa jira dhawaan ka tageen xilalka wasiirada si ay u dhaqan geliyaan Dastuurka cusub hadana markii ay arkeen in Dowladu  ka mshquushay ku soo laabteen shaqooyinkii ay isku haysteen balse bishaan waxaa la hadal hayaa in la kala miirmi doono insha Allah.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -