Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay Hogaamiyaha Maamulka SSC Qaatumo C/qaadir Firdhiye oo tan iyo markii uu Xaar soo gaaray wadahadalo kula jirey Dowlada Soomaaliya.

Wassiirka arimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa saxaafada u sheegay in Dowlada Somalia u aqoonsatay SSC Qaatumo Maamul KMG ah.

Advertisement

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale saxaafada u aqriyay 5 qodob oo ka soo baxay kulamadii u soo socday iyaga iyo SSC Qaatumo waxayna kala yihiin qodobada:-

Qodobada ka soo baxay kulankaan uuna aqriyay Wasiir Axmed  Macalin Fiq ayaa kala ah:-

1-Xukuumada Soomaaliya waxay mar labaad taageereysaa Go’aamadii isimada dhaqanka laas-caanood ka soo saareen 6-bishii Febraayo 2023 iyadoo soo dhaweyneysa lana shaqeyneysa maamulka KMG ah ee SSC Qaatmo oo dadka deegaankaasi dhisteen.

2-Xukuumada Faderaalku waxay mar kasta ku baaqeysaa  gacana la geysaneysaa dadaal kasta oo nabad iyo xasilooni ku dabaaleysa deegaankaasi iyadoo wixii khilaafa lagu xalinaayo wada-hadal,waxayna ku ku ogaadineysaa maamulka SSC Qaatumo sida ay diyaarka ugu yihiin xabad joojin iyo nabad ku wada noolaanshaha.

3-Xukuumada Soomaaliya waxay ugu baaqeyasaa Maamulada Somaliland iyo SSC Qaatumo Xabad joojin iyo inay maxaaiista ay kala haystaan ay isku wareejiyaan,waxayna xukuumada Soomaaliya diyaar u tahay inay fududeyso howlha arimahaasi la xiriira.

4-Xukuumada iyadoo ka duuleysa masuuliyadeeda waxay si degdeg ah uga howlgaleysaa dib u soo nooleynta iyo tayeynta adeegyadii bulshada sida waxbarashada, caafimaadka,biyaha iyo guud ahaan adeegyada.

5.Xukuumada Somalia waxay ugu baaqeysaa hay’adaha  iyo beesha Caalamka in gargaar bini’aadanimo lala gaaro deegaanadaasi.

Sidoo kale waxaa isna la hadlay Saxaafada Madaxweynaha Maamulka aqoonsiga helay C/qaadir Firdhiye  wuxuuna u mahadceliyay Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Xukuumada dan qaran oo aqoonsi siisay maamulka deegaankooda.

“dhawaan waxaa Laascaanodo tagaya wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya waxaana u sameyn doonaa soo dhaweyn u qalanta Dowada Soomaaliya”ayuu yiri C/qadir Firdhiye

“wada hadal dheer kadib go’aamadii ka soo baxay waxaa ku jiray aqoonsigaas aan ka helnay Dowlada Soomaaliya”ayuu mar kale yiri Firdhiye

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Fiqi iyo Fadhiye

No description available.No description available.No description available.

Previous articleRa’iisulwasaare Xamze oo maanta qaabilay Safiirka cusub ee Dalka Sweden
Next articleSiyaasiyiinta Mucaaradka oo dhaliilay Xasan Sheekh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here