Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dowlada Somalia qorsheyneyso inay maamul kale ku dul dhisto maamulka Waqooyi Galbeed ee gooni u goosadka Somaliland kuwaasoo dhawaan aqoonsi beenaad ka helay Nidaamka Yuhuuda ee uu hogaamiyyo Natenyahu.
Wararku waxay tilmaamayaan in Dowladu qorsheyneyso siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolada Waqooyi inay kala shaqeyso sidii deegaanada Maamulka Somaliland ka taliyo looga abuuri lahaa maamul kale islamarkaana marka lagu guuleysto Dowladu aqoonsan doono.
Meelaha maamulkaani laga yagleeli karo ayaa la rumeysan yahay inay noqon karto dhanka Gobolka Awdal madaaama shacabka deegaanasaasi Dowlada Somalia taageero u hayaan islamarkaana marar badan la soo baxay calanka Somalia iyagoo si rasmi ah u muujiyay inay hoos tagaan Dowlada Madaxweyne Xasan walow maamulka Somaliland mar kasta aamusiyo shacabkaasi.
Qorshaha Dowlada Somalia wuxuu imaanayaa xili Magaalada Boorama shacabkeedu dhigeen dibad baxyo ay kaga soo horjeedaan maamulka Somaliland iyagoo wali taaada suray calanka Somalia.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
