Dowlada Faderaalka Sooomaaliya ayaa ka reebtay Maamulka Waqooyi Bari mashruuc 35 Milyan ku baxeysa kaasoo maanta la daah-furey looguna magac daray Mashruuc Bulsho,waxaa ka soo muuqday dhamaan Maamulada kale ee Dalka sida Somaliland ,Puntland,Jubaland,Hirshabele,Galmudug iyo Koofurgalbeed.
Mashruucaan oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka ayaa laga fulinayaa dhamaan Maamul Goboleedyada Somalia marka laga reebo Waqooyo Bari.
Lama yaqaan sababta dhabta ah ee mashruucan malaayiinta doolar ah ku baxeysa looga reebay Maamulka curdunka ah ee Dowladu u ugu dhawaaqday inay si rasmi ah u aqoonsan tahay Maamulkaani oo u dhexeeya labada Maamul ee Somaliland iyo Puntland .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 5 Milyan loogu talo galay Somaliland kaligeed halka maamulada kale ay inta soo haryay qeybsanayaan,Dhanka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari C/qaadir Firdhiye wali kama hadlin talaabada ay maanta qaaday Dowlada Somalia.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
