MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taariikh cusub ayay qoreysa maanta Xukuumada Somalia ee uu hogaaminayo Ra’iisulwasaare Xamze Cabdi Barre kadib markii ay ku dhaqaaqday inay furto wadooyinka muqdisho qaarkood oo ku dhawaad 20- sano dhagxaan ugu xiran sababo amni dartood.
Ra’iisulwasaaraha oo kaashanaya Maamulka Gobolka Banaadir ayaa fuliyay furitaanka wadooyinkii ugu horeeyay ee la furo iyadoo qorshaha xukumada uu yahay in mudo 30 malin ah Muqdisho looga nadiifiyo dhagxcaanta sababaha amni loogu xirey Magaalada Muqdisho.
Wadooyinka saaka la furayo waxaa ka mid ah wadada ka baxda KM4 ee aada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo sababo amni darteed u xiran gabi ahaanba in gaadiidka dadweynuhu isticmaalaan iyo xitaa gadiidka aada garoonka marka laga reebo gaadiidka Dowladu leedahay iyo kuwo yar oo aqoonsi ku mara.
Sidoo kale wadooyinka saaka la furayo waxaa ka mid ah wadada ka baxda xarunta nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA islamarkaana aada dhanka safaarada Turkey ee Degmada C/casiis halkaasoo dhagxaan badan ay ku go’an yihiin.
Si kastaba waa talaabo horumar leh oo ay qaaday Dowlada Soomaaliya ee ay hogaaminayaan Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisulwasaare Xamxa Cabdi Barre taariikhda ayayna u geli doontaa soo saarista bilicda,quruxda iyo amniga Magaalada Muqdisho oo ah wadnaha Soomaaliya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 
