HomeWarkiiDowlada Somalia oo maanta mar kale ka hor istaagtay xildhibaanada Puntland inay...

Dowlada Somalia oo maanta mar kale ka hor istaagtay xildhibaanada Puntland inay Garowe aadaan

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka  Somalia ayaa maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho waxay  ka celiyeen Xildhibaano Soomaaliyeed oo ka soo jeeda  Deegaanada Puntland  xili ay rabeen inay u dhoofaan Magaalada Garowe.

Sida uu cadeeyay mid ka mida Xildhibaanada Ciidamada Dowalda ayaa ka reebay diyaarad ay saarnaayeen , xildhibaankaan wuxuu sheegay in dhaman hab raacyadii sharciga ahaa ay soo mareen ilaa ay diyaarada ka koreen balse amar madaxtooyada ka yimid lagu celiyay sida uu sheegay.

Xildhibaankaan wuxuu cadeeyay inay ku xairan yihiin gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho madaama loo diiday inay u dhoofaan Magaalada Garowe,sidoo kalana iyaguna rabin inay ka soo laabtaan garoonka.

Warar ayaa sheegaya in Gudoonka Baarlamaanka uu ku amray Sirdoonka iyo masuuliyiinta Garoonka diyaaradaha inaan Xildhibaan dalka ka bixi karin ilaa amar danbe taasoo loo maleynayo inay saameyn ku yeelatay xildhibaanada Puntland.

Hogaanka Dowlada Somalia iyo Gudoonka Baarlamaanka ayaa isla qorsheeyay in Arbacada soo socota kamA danbeys la meel mariyo Dastuurka Dalka oo si dhameystiran looga saaro qabyada , markaas kadibna uu saxiixi doono  isla maalintaasi Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Talaabada Maanta lagu hor istaagay Xildhibaanada ayaa imaaneysa xili shalay galabna diyaarad ay u raaceen Garowe hawada laga soo celiyay taasoo ku soo celisay Muqdisho,waxay noqoneysaa maalintii labaad oo isku xigta oo loo diido inay Garowe gaaraan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -