HomeWarkiiDowlada Somalia oo maanta Muqdisho ku qaabishay waalidiinta dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku...

Dowlada Somalia oo maanta Muqdisho ku qaabishay waalidiinta dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Maali+SAWIRRO

May be an image of 15 people and textMuqdisho, 26 July, 2025 – Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay dhismaha Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, tobaneeyo waalidiin oo ah ehellada dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Maali, isaga oo dhagaystay tabashadooda, ugana warbixiyay dadaalladii ugu dambeeyay ee dowladdu ku bixisay soo siidaynta muwaadiniintaasi.
Wasiir Isaaq Mursal, ayaa caddeeyay in Wasaaraddu xiriir kala samaysay arrinkani Dowladda Maali iyada oo loo maray Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Addis Ababa, ayna si dhow ula shaqayneyso hay’adaha ay khuseyso si loo fududeeyo soo sii deynta iyo dib u soo celinta dhammaan muwaadiniintaasi xiran. Waxa uu intaasi ku daray in wafdi ka socda dowladda uu dhawaan tagi doono magaalada Bamako si ay u sii dardargeliyaan dadaalladaasi.
Waxa uu markale caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay badbaadinta muwaadiniinteeda ee ku sugan dalka dibadiisa, isaga oo xusay in dad ka badan 700 oo qof laga soo daad gureeyay dibadda dalka si nabad ahna dib loogu soo celiyay dalka tan iyo horraantii sanadkan 2025-ka.
Wasiir kuxigeenka ayaa sidoo kale kula dardaarmay waalidiinta in ay kaalin mug leh ka qaataan sidii dhalinyarada looga wacyigelin lahaa khatarta tahriibka, isaga oo ku baaqay in la xoojiyo wadashaqeynta hay’adaha amniga iyo garsoorka si loola dagaallamo shabakadaha wax tahriibiya, loogana hortago musiibooyin kale.
Waaxda Warbaahinta
Communications DepartmentMay be an image of 6 peopleMay be an image of 13 people and treeMay be an image of 9 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 7 people, people studying and textMay be an image of 15 people and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 7 people, dais and text that says "S.P.F . S."May be an image of 7 people, dais and text that says "8.P.F"May be an image of 15 people
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -