MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Sida uu cadeeyay Wasiirka Howlaha Guud, Dib U Dhiska iyo Guriyeynta ee Dowlada Faderaalka Soomaaliya Ayuub Ismaaciil mashruuc balaaran oo wado dhis ah ayay Dowladu ka fulineysaa Magaalada Hargeysa maalmaha soo socda.
Wasiir Ayuub Ismaaciil wuxuu sheegay in mashruucaan oo ay kala kaashanayaan Bangiga Adduunka inay ku dhisi doono wado 45 KMT ah oo ka bilaabanysa Magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Somaliland islamarkaana wajiga koowaad uu ku bilaaban doono 23 KMT halka inta hartayna wajiga labaad lagu dhisi doono.
Wasiir Ayuub oo Saaka oo jimco ah shir jaraa’id Muqdisho kula qabtay masuul ka socda Bangiga Adduunka ayaa carabka ku adkeeyay inay maanta u fadhiyaan daraaseynta fulinta mashquuraan balaaran oo ay Hargeysa ka fulinayaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
