HomeWarkiiDowlada Somalia oo manta Muqdisho ku soo celisay tahriibayaal laga soo celisay...

Dowlada Somalia oo manta Muqdisho ku soo celisay tahriibayaal laga soo celisay dalka Liibiya+SAWIRRO

Muqdisho, Talaado,23 Sebteember 2025: Ra’iisul Wasaare ku-xigeenak Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey 151 Muwaadiniin ah oo dowladdu ka soo celisay dalka Liibiya, halkaas oo ay ku dhibaataysnaayeen.
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa tilmaamay in muwaadiniin kale oo 22 ruux ah laga dajiyay Magaalada Hargeisa, isagoo muujiyey in Xukuumadda DanQaran ay dadaal dheer ku bixisay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed dib loogu soo celin lahaa dalkooda.
Mudane Jibriil Cabdirishiiid ayaa ka hadlay xaaladda caafimaadka iyo nolosha ee muwaadiniintan oo xaalado adag soo maray muddadii ay ku xirnaayeen xabaiyada dalka Libya waxaana uu ku bogaadiyey go’aanka ay qaateen ee ku aaddan in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan, kana joogaan khatarta tahriibta.
Dhankooda, Muwaadiniinta ayaa u mahadceliyey xukuumadda DanQaran dadaalka ay galisay sidii looga soo deyn lahaa xabsiyada, waxa ayna muujiyeen dareenkooda farxadeed ee ku aaddan in ay dowladdoodu u fududeysay in dadkooda ay dib ula midoobaan.
———-Dhammaad———-May be an image of 10 people, aircraft and textMay be an image of 5 people and suitMay be an image of 7 people, aircraft and textMay be an image of 6 people, people playing basketball and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 13 people, aircraft and text that says "RA............ ........ IRAQ OF Favori :Fayori :FajoriAirports yori Airports Airports TN FFavori FFavoriAirports Arporis Airports"May be an image of 7 people and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -