HomeWarkiiDowlada Somalia oo mar kale qorsheyneysa inay soo daabacdo lacag cusub oo...

Dowlada Somalia oo mar kale qorsheyneysa inay soo daabacdo lacag cusub oo shilinka Soomaaliga ah

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xoggaha soo baxaya waxay sheegayaan inuu qorsheynayo soo daabacida lacag cusub oo shilinka Soomaaliga ah.

Wararka ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Xassan weydiistay Dowlada Carbeed ee Kuweyt lacag dhan 40 Milyan Doolar si ay ugu qarash gareeyaan daabicada lacagta cusub ee shilinka Soomaalida ah.

Ra’iisulwasaare Xamza ayaa 3 sano ka hor markii la soo magacaabay wuxuu durba warbaahinta u sheegay inay Dowladu soo daabiceyso lacagta shilinka Soomaaliga taasoo u noqon weysay sidii uu rabay.

Soo rogaal celinta Madaxweyne Xassan inta ka dhiman muda xilkiisa ayaan la ogeyn inuu ka dhabeyn doono inuu soo daabaco lacagta shilinka Soomaaliga ah oo baahi badan ay u qabaan Ummada Soomaaliyeed hada dalka intiisa badan aysanba a jirin wax lacag ah oo kaash ah oo dalka ka shaqeeya, kaliya waxaa la isticmaalaa lacagta hawada ah ee EVC-da ama Zaad loo yaqaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COMPuntland: Shirkadaha Isgaarsiinta oo Aan Hirgelin Go'aan Kasoo Baxay  Maamulka – Goobjoog

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -