War ka soo baxay Dowlada Somalia ayaa lagu shaaciyay duqeymo dyaaradeed in lagu laayay dagaal yahano badan oo ka tirsan Kooxda Alshabaab.

Warkaan oo ka soo baxay Milatariga Soomaaliya ayaa lagu  sheegay inay weerarkaan la kaashteen saaxiibbada caalamiga ah isla markaana ay ku dikleen 26 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab kadib markii xaga cirka laga duqeeyay.

Advertisement

Goob aad ugu dhaw Deegaanka Jeexjeexa ayay duqeyntu ka dhacday sida warka ay ku baahiyeen Milatariga Somalia.

Sida warbaahinta ciidamada Soomaaliya lagu baahiyay duqeymaha ayaa dhacay xalay markaasoo ay alshabaab isku dayayeen inay ka soo baxaan godad ay ku jireen.

Shalay ayay ahayd markii ciidamada Dowlada uu ka dhintay Abaanduulihii Guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor kaasoo lagu magacaabi jirey Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suulnuug) xili dagaal xooggan uu ka dhacay nawaaxiga deegaanka Caad.

Duqeymo kale oo shalay ka dhacay aaga jex jeexa ayay Milatariga Somalia sheegeen in lagu dilay 50 ka tirsan alshabaab,dhanka kale Alshabaab ayaa laftoodu shalay sheegtay inay 11 askari ka dileen ciidamada Dowlada oo uuna ku jiro Taliye Suulnuug.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleXOG: Wasiir Xagaa Afrax “Dhulkaan ay naga soo damaacisay Itoobiya waxaa horay looga helay ceelal Shidaal
Next articleSAWIRRO: Khud-bada Musharixiinta Puntland oo Saaka ka socota Xarunta Baarlmaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here