Muqdisho (dayniiile.com)-Xukuumada Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday inay dalka mamnuuc ka tahay in la soo geliyo fikira shiicada.

Wasiir ku xigeenka Awqaafta Xukuumada Soomaaliya Saalax Shariif oo khudbad jimcaadkii maanta ka hadlaayay Masaajidka ayaa arintaan ka dhawaajiyay.

Advertisement

” Waxaa Soomaaliya ka mamnuuc ah in la soo galiyo Fikir Shiici ah “ayuu yiri Wasiir ku xigeenka

Masuulkaan wuxuu intaasi ku daray inay Dowladu talaabo ka qaadi doonto cid kasta oo ay ku cadaato talaabo nuucaasi ah.

“ma ogilin wax kasta oo lagu kala qeybinaayo dadkeena oo hada duruufo nool,walaalayaal ma waxaan aqbaleynaa fikir shiico in dalkeena la soo geliyo waa maya”ayuu mar kale yiri wasiirka

Wasiir Saalax wuxuu carabka ku dhuftay inay jiraan kooxo isku dayay falkaani isagoona ku celceliyay in Dowladu gacan adag ku qaban doonto kooxahaasi.

“dowalda Somalia way ka go’an tahay arintaasi ,kooxdii isku daydana ,bentooda ha ahaato ama kis yara oo lacaga haka been sheegaan ama runtooda ha ahaato oo ha cadeystaan,waxaan ku qaban doonaa gacan adag hadii Alle idmo”ayuu mar kale yiri Wasiir Saalax Shariif.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
No description available.

Previous articleNordVPN: The best online VPN service for speed
Next articleSarkaal Alshabaab ka tirsanaa oo Maanta isku soo dhiibay Sirdoonka Maamulka Koonfur-Galbeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here