HomeWarkiiDowlada Somalia oo sheegatay qabashada ajaanib iyo doon ay wateen

Dowlada Somalia oo sheegatay qabashada ajaanib iyo doon ay wateen

May be an image of boatCiidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya ayaa hawlgal kormeer iyo ilaalin badeed ah ka sameeyay aagga xeebaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug Galmudug

Intii uu socday hawlgalka ciidanka ayaa gacanta ku dhigay doon lagu tuhunsan yahay inay si sharci-darro ah ugu dhex jirtay biyaha Soomaaliya Sida lagu sheegay xogta laga helay hawlgalka nidaamka AIS (Automatic Identification System) ee doonta ayaa dansanaa arrintaas oo adkaynaysa in si joogto ah loola socdo dhaqdhaqaaqa iyo aqoonsiga doonta

Doonida ayaa waxaa saarnaa 7 qof oo ajnabi ah kuwaas kuwaa oo ey baaritaanno ku wadaan Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya oo gacanta ku hayo

Ciidamada ayaa baaraya xogta la xiriirta doonta oo ay ka mid yihiin dalka ay ka diiwaangashan tahay, ujeeddada safarkeeda, nooca iyo halka uu ka yimid xamuulka ay sidday, iyo sababta loo damiyay nidaamka AIS-ka.

Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya ayaa sidoo kale maalmihii u dambeeyay waday hawlgallo joogto ah oo lagu xoojinayo amniga xeebaha iyo biyaha Soomaaliya, lagagana hortagayo burcad-badeednimada iyo kalluumeysiga sharci-darrada ah.

Baaritaanka socda ayaa lagu wadaa in lagu ogaado faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan doonta iyo dadka saarnaa.May be an image of boat

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -