HomeWarkiiDowlada Somalia oo si adag uga hadashay xaalada shacabka Qaza

Dowlada Somalia oo si adag uga hadashay xaalada shacabka Qaza

Jeddah, 25 Agoosto 2025 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa khudbad ka jeediyay Shirka degdegga ah ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee ka dhacay Jeddah, isagoo si adag u cambaareeyay xasuuqa iyo go’doominta Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin, gaar ahaan Gaza.

Wasiirka ayaa ku baaqay In si degdeg ah loo joojiyo xabbada, In la ilaaliyo dadka rayidka ah, In gargaar bini’aadannimo la gaarsiiyo Gaza, In la taageero xalka laba dowladood oo saldhig u ah dhismaha dowlad madax-bannaan oo Falastiiniyiintu leeyihiin, caasimadduna tahay Bariga Qudus.

Wasiirka ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaallada caalamiga ah ee nabadda, wuxuuna carabka ku adkeeyay muhiimadda ilaalinta madax-bannaanida dhuleed ee dhammaan dalalka xubnaha ka ah OIC, oo ay Soomaaliya ku jirto.

Soomaaliya, ayuu yiri Wasiir Cabdisalam, iney si buuxda uga go’an tahay difaaca xuquuqda shacabka Falastiin, ilaalinta sharciga caalamiga ah, iyo garab istaagga dadaallada lagu doonayo xal nabadeed oo waara.
Waaxda Warbaahinta
Communications DepartmentMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 2 people and dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -