HomeWarkiiDowlada Somalia oo si cad u sheegtay in beesha Caalamku shaqo...

Dowlada Somalia oo si cad u sheegtay in beesha Caalamku shaqo ku lahayn arimaha hoose ee Somalia

Dowladda Soomaaliya ayaa durtay sharciyadda kaalinta Xubnaha Beesha Caalamka ee loo yaqaano C6+ ee Arrimaha gudaha Soomaaliya, sida lagu sheegay warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Warqadan oo lagu socodsiiyay James Swan ayaa waxaa lagu sheegay in kaalinta C6+ billowgeedii hore loogu tala galay marxaladii ay Soomaaliya ku jirtay xilligii KMG oo hey’adaha dowladduna ay curdun ahaayeen, balse hadda oo dowladnimadu ay si dhameystiran u shaqeyneyso aanay jirin sabab ay Beesha Caalamku kaalin toos ah ugu yeeshaan siyaasadda gudaha.
Sidaas darteed dowladda Soomaaliya ayaa u aqoonsatay C6+ inuu yahay qaab dhismeed laga guuray oo ujeedadii markii hore loo sameeyay aysan hadda jirin, waxayna ugu baaqday saaxibadda Beesha Caalamka inay Soomaaliya kula xiriiraan qaababka la isla oggol yahay oo ay u soo maraan hey’adaha sharciga ah.May be an image of textMay be an image of text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -