HomeWarkiiDowlada Somalia oo soo dhaweysay tababarka Qaahira loogu soo xirey ciidamada Masar...

Dowlada Somalia oo soo dhaweysay tababarka Qaahira loogu soo xirey ciidamada Masar ee Muqdisho loo soo wado

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo dhoweysay dhammaadka tababarkii ugu horreeyay ee loo qabtay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee dalka Masar, kuwaas oo dhawaan kusoo biiri doona Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Tababarkan oo qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo awood ciidan oo is-kaashi ah ayaa kusoo dhammaaday guul, iyadoo lagu saleeyay heshiisyadii hore ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC), kuwaas oo oggolaaday ka qaybgalka ciidamada Masar ee hawlgalka AUSSOM.
Wasaaradda ayaa tilmaamtay in tallaabadani ay ka tarjumayso sida Dowladda Masar uga go’an tahay taageeridda dadaallada lagu xoojinayo amniga Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), iyadoo la adeegsanayo qaab-dhismeedka cusub ee hawlgalka AUSSOM oo beddelaya ATMIS.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay bogaadisay doorka muhiimka ah ee Midowga Afrika iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka qaadanayaan geeddi-socodka nabadeynta, xasilinta iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo caqabad ku ah nabadda, horumarka iyo midnimada Soomaaliya.May be an image of 4 peopleMay be an image of ‎text that says "‎WWANA FEDERAALKA الدفاع وزارة MINISTRY OF DEFENCE SOOMAALIYA SIDNAN الية الفيدراية الصومال جمهورية FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA MIASABADDA WASAARADDA GASHANDNISA‎"‎
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -