HomeWarkiiDowlada Somalia oo u hanjabtay Maamulada Somaliland iyo Puntand kadib shirkado shisheeye oo...

Dowlada Somalia oo u hanjabtay Maamulada Somaliland iyo Puntand kadib shirkado shisheeye oo la sheegay inay macdan barayaan 

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Dowlada Faderaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamad oo wareysi siiyay TV-ga Qaranka ayaa ka hadlay halka uu marayo qorshaha shidaal soo saarista Somalia oo Dowladu meel wanaagsani marineyso madaama dhawaan uu soo dhamaaday baaritaankii lana helay.

Wasiir Daahir Shire Maxamad wuxuu sheegay in Somalia heysato shidaal aad u badan isagooan carabka ku adkeeyay in shirkadaha soo saaraya ay si rasmi ah u howlgeli doonaan bilowga sanadka cusub ee 2016.

Mar wax laga weydiiyay in shirkado aan ahayn kuwa Turkida ay shidaalka dhankooda ka soo saarayaan ayuu cadeeyay inay jirto shirkad Mareykan ah oo iyaguna qeyb ka ah soo saarista shidaalka Somalia.

Dhanka kale Wasiir Daahir Shire Maxamad waxaa kala socdo shirkado ajaani ah oo maamulada Somaliland iyo Puntland kala shaqeynaya shidaal soo saaris wuxuuna  sheegay inay la socdaan isagoona si adag dignii iyo hanjabaadba isugu daray.

Wasiirka wuxuu si cad u sheegtay inay tallaabo ka qaadi doonaan Somaliland, Puntland iyo cidkasto oo macdan sharci darro ah isku dayda inay dalka kala baxdo.

”ma aqbali karno in Shirkado Ajnabi ah ay macdan kala baxaan Somalia gaar ahaan dhulka maamul Goboleedyada Waqooyi-Bari, Puntland iyo Somaliland sida Awdal, Bari iyo Sanaag” ayuu yiri Wasiir Daahir

Wasiirka Macdanta Daahir Shire Maxamad wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay inay Dowladu indhaha ku heyso islamarkaana dabagal ku heyso cid kasto sharci darro isku dayda inay ku qaadato hantida ummada Somaliyeed oo Dowlada Somalia ay masuul ka tahay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -