MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya maalinba maalinta ka danbeysa kala shaki siyaasadeed tan iyo markii doraad Israa’iil ku dhawaaqday inay Dowlad ahaan u aqoonsatay Maamulka Somaliland ee gobolada Waqooyiga Soomaaliya oo mudo raadinayay aqoonsi walow aysan awood u lahayn inay Aqoonsato madaama uusan wax u tareyn kaligood.
Wararkala helayo ayaa sheegaya in Dowlada Somalia dib u eegis ku sameyneyso danjirayaasha ay u dhiibtay safaaradaha dalalka dunida qaarkood kuwaasoo asal ahaan ka soo jeeda deegaanada Somaliland,waxaa la warinayaa in degdeg loogu yeeray inuu Muqdisho ku yimaado Safiirka Soomaaliya ee India C/raxmaan Odawaa kaasoo ka soo jeeda dhanka Deegaanada Waqooyiga Somalia ee uu ka taliyo Maamulka Somaliland
Safiirkaan oo u yeeritaankiisa la ogeysiiyay Wasaarada arimaha dibada ayaa loo qabtay inuu 29-ka bishaan oo beri ah ka soo xaadiro Magaalada Muqdisho.
Warar ku dhaw dhaw tuhunka laga qabo Safiirkaan ayaa sheegaya inay ka mid tahay in uu ka shaqeeyey xariiro toos ah oo dhexmaray Maamulka Somaliland & Dowlada Hindiya taasoo ka baxsan shaqadii Dowlada Somalia u xilsaartay.
Safiir Odowaa lama yaqaan sida uu isaga difaaci doono eedeymaha kaga imaanaya Dowlada Somalia xili wararka qaar sheegayaan in Dowladu heyso cadeymo ku saabsan qoraalada & xariirada uu la sameeyay Dowlada India taasoo ka baxsan shaqadii uu u hayay Qaranka Somalia.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
