HomeWarkiiDowlada Somalia oo war ka soo saartay dib u doorashada C/casiis Laftagareen

Dowlada Somalia oo war ka soo saartay dib u doorashada C/casiis Laftagareen

WAR-SAXAAFADEED
Muqdisho, Soomaaliya – 28 Maarso 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa is doorashada sharci darrada ah ee maanta lagu qabtay magaalada Baydhaba, taas oo dhab ahaan fal sharci-darro ah iyo is-magacaabid hore loo sii qorsheeyey, kana hor imaanaya dhamaan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka, xeerarka doorashada iyo dastuurka dalka, isla markaana aan ka tarjumayn rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed.

Waxa si cad u muuqata in waxa dhacay aanu ahayn doorasho xalaal ah, balse ay tahay isku day qaawan oo lagu marin-habaabinayo hannaanka dimuqraadiyadeed, laguna meel-marinaayo natiijo hore loo sii go’aamiyey. Habraac 24 saacadood gudahood lagu soo afjaray, oo ka fog hufnaan, tartan xor ah, iyo sharciyad, looma aqoonsan karo doorasho waafaqsan dastuurka iyo nidaamka dowladnimo ee dalka.
Tallaabadan sharci darada ah waxay si toos ah uga hor imaanaysaa mabaadi’da sharciyeed ee hagaya geedi socodka dowlad dhiska dalka. Sidoo kale, waxay sii xoojineysaa tabashooyinkii mudada dheer ka jiray Koonfur Galbeed, waxayna dhaawaceysaa dadaalada, dib-u-heshiisiinta iyo dimuqraadiyeynta dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa in aan la aqbali karin hannaan kasta oo sharci-darro, qasab, iyo musuq siyaasadeed ku saleysan, laguna daboolay magac doorasho.
Hoggaan sharciyaddiisu sugan tahay waxa keliya oo uu ka iman karaa rabitaanka shacabka oo lagu muujiyo hannaan xor ah, hufan, xalaal ah, loona wada siman yahay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkeynaysaa sida ay uga go’an tahay difaaca dastuurka, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo hirgelinta doorashooyin xor, xalaal, hufan, kana tarjumaya rabitaanka dhabta ah ee shacabka Soomaaliyeed.
DHAMMAAD
May be an image of text
RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. ALA BEEN BATNAA XAGEE JIRO DOORASHO XALAAL EE MADAXWEYYNAHA GOBALKA –

    BANAADIR XASSAN SHEEKH YAA DOORTAY SHACABKA MUQDISHO MIYAA DOORTAY WAR –

    ALLE KA BAQA ;

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -