HomeWarkiiDowlada Somalia oo war ka soo saartay masiibadii ka dhalatay Roobabkii Xooganaa...

Dowlada Somalia oo war ka soo saartay masiibadii ka dhalatay Roobabkii Xooganaa ee ka da’ay Itoobiya

War-Saxaafadeed

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Oo Tacsi U Dirtay Dowladda Itoobiya Kaddib Masiibadii Ka Dhalatay Roobabkii Xooganaa.

Muqdisho, Soomaaliya | 5 Agoosto 2026

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, hoggaankeeda, dowladdeeda iyo shacabkeeda, kaddib masiibadii ka dhalatay roobab mahiigaan ah oo ku dhuftay gobolka Amxaarada.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay garab taagan tahay Dowladda Itoobiya xilligan adag.

Soomaaliya waxay tacsi u diraysaa qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday masiibadan, waxayna u muujinaysaa sida ay uga xuntahay ugana murugooneyso dadka ku dhaawacmay.

Dowladda Soomaaliya waxay bogaadinaysaa dadaallada socda ee lagu baadi goobaayo laguna badbaadinaayo dadka ay masiibadu saameysay.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay u rajaynaysaa dhaawacyada caafimaad degdeg ah.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:

Mohamed Mahmud Allaale

Waaxda Warbaahinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -