HomeWarkiiDowlada Turkey oo hub cusub u keentay ciidamada ay Somalia u tababareen...

Dowlada Turkey oo hub cusub u keentay ciidamada ay Somalia u tababareen ee Kumaandooska Gor-Gor

Dowlada Turkey ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxay Muqdisho ku soo daabushay hub cusub oo casri ah islamarkaana ay ugu talo galeen ciidamada kumaandooska Gor-Gor oo ay iyagu Somalia u tababareen mushaarna siiyaan.
Xogo hoose ayaa sheegaya in diyaarad weyn oo nuuca xamuulka qaada ah ay maalmihii ugu danbeyay Muqisho soo gaareysay walina ay wado soo daabulida hub waliba intiisa badan loogu talo galay ciidamada Cirka Somalia madaama dalku xaalad adag sii galayo mar kastana inta badana lagu soo xad-gudbo hawada Somalia.
Diyarada ciidan ee hubka soo daabuleysa waxaa nuuceedu lagu sheegay A400M atlas, waxaana leh ciidanka Cirka turkiga inkastoo Dowladu ka hadlin oo ay yihiin arimo milateri oo labada dowladood u qarsoon yihiin.
Sidoo kale xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in hubkaani loo rabo ciidamadii cusbaa ee dhawaan tababarka loo soo xirayay islamarkaana uu Wasiir iqi iyo Taliye Odowaa khudbada ka jeedinayeen.
Turkiga ayaa dalka ugu badan ee caawiya Somalia gaar ahaan dhanka ciidamada Milateriga,tababarkooda iyo qalabeyntooda waxayna ku soo aadeysa xili dhawaan Turkigu Somalia ka soo saarayo shidaal Somalia qarash badan ka heli doonto.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -