Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dayuurado kuwa xamuulka qaada ah oo maanta qalab milateri ka soo dejiyey garoonka dayuuradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Dayuuradahan ayaa waxaa la sheegay in laga lahaa dalka Turkiga, waxaana laga dejiyey qalab milateri oo iskugu jiray gaadiid Gaashaaman, iyo saanad kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qalabkan milateri loogu talo galay iney ku howlgalaan cutubyo ka tirsan ciidamada Kumandoska Gorgor ee dhowaan lagu soo tababaray dalka Turkiga.

“Talaabadan siyaasad shaqo kuma laha balse waxay ka tahay heshiis dib loogu dhisayo ciidamada qalabka sida oo ay horey u kala saxiixdeen DF iyo Turkiga, kaasoo iskugu jira tababar iyo qalabeyn” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada.

Turkiga ayaa Duleedka Muqdisho ku leh xero milateri oo lagu tababaro ciidamada DF, isagoo kale dalkiisa u qaada ciidamo uu soo tababaro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here