MUQDISHO(DAYNIILE.COM)-.Safiirka Dowlada Turkiga u fadhiya Magaalada Muqdisho Alper Akta oo maanta ka hadlayay Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ee Muqdisho ka dhacay ayaa ku dhawaaqay war aad u farxad gelin kara Somaliweyn xili uu si gaar ah uga hadlayay arimaha Soomaaliya iyo iskaashiga labada dal.
Safiirka wuxuu goobta kaga dhawaaqay inay Soomaaliya keeni doonaa Maraakiib Kalluumeysi si Somalidu uga faa’iideystaan ,safiirka wuxuu warkiisa sii raacaiyay in 15 sano ka hor ay adkeyd in shaqooyin horumar laga fuliyo Somalia.
“waxaan Soomaaliya keeni doonaa Maraakiib Kalluumeysi, waxaana taas sababay horumarka dhinaca ammaanka ah ee la gaaray.” ayuu yiri Danjire Alper Akta.
Dhanka kale lama yaqaan maraakiibtaan xiliga ay Turkidu keeni doonaan iyo hab raaca lagu maamuli doono,ma iyagaa adeegsan doona mise Dowlada Somalia ayay qaar ku wareejij doonaan si Soomaalida gacantooda ugu maamushaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
