Muqdisho (dayniiile.com)-Dowlada Turkiga oo Ciidamo aan badneyn ay ka joogaan Soomaaliya gaar ahaana Muqdisho ayaa Taliye cusub waxay  usoo magacaabeen Soomaaliya.

Ciidamada iyo Saraakisha ka joogta Turkiga ayaa ah kuwo inta badan tababaro u sameeya Ciidamada Milatariga Gor-Gor iyagoona Xamar ku leh Xerada weyn ee Tuurkisom oo ku teedsan Xeebta Jaziira ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay Taliyaha cusub ee Xerada Tababarka Ciidamada TurkSom S/guuto Sabahattin Kalkan

Labada masuul waxay isla soo qaadeen . xoojinta xariirka iyo wada shaqeynta Dowladaha  Turkiga Iyo Soomaaliya.

Yuusuf Madaale ayaa si gaar ah uga mahadceliyay saraakiisha TurkSom iyo guud ahaan Dowladda Turkiga sida ay markasta  garab istaaga ugu muujiyaan  walaalahood Soomaaliyeed.

“abaal baan idinka heynaa doorka aad ka qaadateen Dowlad-dhiska, Soomaaliya iyo waliba taageerada Ciidamada Xooga iyo tababarkooda”ayuu yiri Duqa Muqdisho

Sidoo kale Duqa Muqdisho wuxuu ku amaanay Turkiga doorkooda taagerada dhanka Bini’aadaninada.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleRa’iisulwasaaraha oo maanta shir gudoomiyay shirkii Golaha Wasiirada Juballand+SAWIRRO
Next articleKulan weyn oo loogu mahadcelinaayay Madaxweyne Xasan oo Muqdisho lagu qabtay+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here