ANKARA (DAYNIIILE.COM)-Wasiir ka tirsan Dowlada Turkiga ayaa war cusub ka soo saaray baaritaankii socdey ee la xiriiray wiilka Madaxweynaha Soomaaliya kaasoo dhawaan shil gaari ku dilay nin u dhashay dalka Turkey.

Yılmaz Tunç Wasiirka caddaaladda dalka Turkiga ayaa saxaafada u sheegay inay filayaan in dhawaan ay bilaabato maxkamadeynta Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ah wiilka Madaxweynaha Soomaaliya,madaama ay baaritaanada socda ay ku qiyaasayaan in dilka uu geystay Maxamed Xasan.

Advertisement

Sidoo kale wasiirka wuxuu sheegay inay rajeynayaan inuu Turkey ku soo laabto Maxamed Xasan oo wali ka maqan dalkaasi xili shilka ka dib uu arimo shaqo uga baxay dalkaasi markii Dowlada Tirkey fasaxday.

“Waxaan ku qiyaaseynaa in qofka ay quseyso uu ka iman doono dibadda oo uu bixin doono bayaankiisa mustaqbalka dhow. “ayuu yiri wasiirka cadaalada

Wasiir Tunc oo saxafiyiinta la sii hadlaayay ayaa tilmaamay in machadka sameeya baaritaannada casriga ah uu soo saaray laba warbixin kuwaasoo kala ah  dhiigga iyo dheecaannada.

“dacwad ayaa lagu soo oogi doonaa iyada oo la raacayo qaab dhismeedka warbixinnadan. Dabcan, garsoorkeena ayaa ilaalin doona xuquuqda iyo shuruucda muwaadiniinta” ayuu mar kale yiri wasiirka cadaalada sida aan ka soo xiganay idaacada BBC Somalia isagoo dhanka kalana xusay in eedaynta la diyaarin doono maalmo gudahood iyadoo la raacayo qaabka warbixinta.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

.

Previous articleQarax lagu weeraray Safaarada Israa’iil ee Dalka India
Next articleQabashada araajida dadka doonaya baarlamaanka Puntland oo maanta ku eg

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here