KAMPALA (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Gargaarka Dalka Uganda, Hilary Onyeke ayaa shaaciyay inay joojiyeen diiwaan gelinta qaxootiga ka imaanaya dalalka Geeska Afrika sida Soomaaliya ,Itoobiya iyo Eritrea.
Wasiirka wuxuu xusay in dhamaan shaqaalaha Wasaaradaasi lagu amray inaysan diiwaan gelin qaxootiga ka imaanaya Somalia, Itoobiya iyo Eritrea isagoona sababta ku sheegay kadib markii ay dhaqaale ka waayeen dalalka kaalmeeya qaxootiga ee reer Galbeedka iyo Hay’ada QM ugu qaabilsan Qaxootiga.
Laba bilyan oo shilin oo ah lacagta Uganda ayuu sheegay Wasiirku inay sabad kasta ku bixiyaan qaxootiga kaga imaanaya dalalka kale ee geeska Afrika.
Si kastaba Hay’ada Qaxootiga Dunida ee UNHCR ayaa sheegtay in waqti xaadirkaan ay uganada ku sugan yihiin qaxooti dhan 50,000 oo Soomaali ah,sidoo kale 56,000 qaxooti Eritrean ah iyo 16,000 oo Itoobiyaan ah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
