KAMPALA (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Dowlada Uganda ayay ku qiratay in askar badan looga dilay dagaalkii maalmo ka hor Alshabaab looga saaray deegaanada Sabiib iyo caanoole ee hoos taga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Dowladda Uganda waxay xaqiijisay in 7 askari loogu diley dagaalkaasi oo ay iska garab dagaalamayeen ciidamada milateriga Somalia kasoo socday muddo Saddex maalmood ah,islamarkaana ay alshabaab kaga eryeen deegaanadaasi.
Warkaan oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda waxaa sidoo kale lagu sheegtay in Ciidamada dagaalka uga geeriyooday ay ka tirsanayeen hawlgalka cusub ee AUSSOM.
Maaha markii ugu horeysay oo Alshabaab laga saaray deegaanada Sabiib iyo caanoole lamana yaqaan sababta mar kasta ay ugu soo laabanayaan xili ciidamada Dowlada mar kasta si fudud u soobaneynayaan deegaanadaasi oo istaraatiji u ah Dowladnimada.
Kooxda Alshabaab laftigoodu waxay muujinayaan inay istaraatiiji u tahay deegaanadaasi iyagoo mar kastana ku dagaalama xiliga deegaanada qaar markii la weeraro ay isaga cararaan iyadoon hal dagaalame uga dhiman.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
