Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa xalay mar kale iclaamiyay shir looga hadlayo arimaha doorashada oo ay isugu imaanayaan dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada .

Wasiirka wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo uu ka dhacayo teendhada Afisiyooni ee ciidamada Cirka.

Waxa uu sheegay Wasiirka in shirkaasi furmayo 22-ka bishan sida uu iclaamiyay Madaxweynaha, waxa uuna tilmaamay in shirkaasi qaban qaabadiisa ay wado Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Warkan kasoo baxay Dowlada Soomaaliya ayaa meesha ka saaraya khilaaf la sheegay in uu horey uga jiray goobta lagu qabanayo shirka, maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaana horey u dalbaday in Teendhada Afisiyooni lagu qabto shirka halka DF ay diidaneed.

Shirkan uu mar kale Iclaamiyay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaan la ogeyn in uu u qabsoomi doono, mana jiro ilaa hada wax war ah ay maamul goboleedyada dalka ka jira kasoo saareen shirkan mar kale Farmaajo iclaamiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here