HomeWarkiiDowladaha waa weyn ee Shiinaha iyo Turkey oo shaaciyay inay Somalia ku...

Dowladaha waa weyn ee Shiinaha iyo Turkey oo shaaciyay inay Somalia ku garab taagan yihiin Madax-bannaanida iyo midnimadooda dhuleed

Dowladda Turkiga ayaa mar ay ka hadleysay talaabadii Israa’iil waxay sheegeen inay si buuxda u garab taagan yihiin  Madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo wadajirka Soomaaliya,waxay ka soo hor jesteen tallaabada xad-gudubka ah ee  Israa’iil ku sheegtay inay aqoonsatay Somaliland.

Sidoo kale Dowlada Shiinaha ayaa si cad u sheegtay inay xiriir la sameysay Dowlada Somalia islamarkaana ay u muujiyeen taageeradooda midnimada dhuleed iyagoo muujiyay inay ka soo horjeedaan talaabada Israa’iil qaaday xili awalba shinaha ay isku xumaayeen Israa’iil.

Safiirka Shiinaha  u jooga Muqdisho WangYu ayaa sheegay inuu wada-hadal  telefoon xalay la yeeshey wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, C/salaan Dhaay,islamarkaana uu u gudbiyay mowqifka Shiinaha ee ah inay Dowlada Somalia garab taagan yihiin gaar ahaan ay Somalia ku taageerayaan madaxbannaanida Soomaaliya, midnimada qaranka, iyo ilaalinta dhulka.
Sidoo kale Jaamacada Carabta ,Sacuudiga,Ururka Islaamka iyo inta badan dunida oo dhan ayaa ka si weyn uga hortimid talaabada ay qaaday Yuhuudu iyagoona dhamaantood taageero u muujiyay Somalia madax banaanideeda.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -