Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo tacsi u dirtay Wariye Cabduqaadir Maxamed

0

 

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay Allaha u naxariistee geeridii ku timid Wariye Cabduqaadir Maxamed Mursal oo xalay ku geeriyooday gudaha wadanka Mareykanka oo uu ku xanuunsanaa.

Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa tacsi loogu diray ehellada marxuumka, asaxaabta iyo Qaranka.

Sidoo kale wuxuu wasiir Maareeye marxuumka eebbe uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

Allaha u naxariistee Cabduqaadir Maxamed Mursal ayaa Saxafiga Rug Caddaag ah, wuxuuna ka mid ahaa wariyeyaasha caanka ah ee Soomaaliyeed.

Marxuumka ayaa sidoo kale ahaa Macalin Saxaafadeed oo soo saaray wariyeyaal dhowr ah oo ka shaqeeya warbaahinta Soomaalida.

Sanadihii u dambeeyey wuxuu ku noolaa wadanka Mareykanka oo uu xalay ku geeriyooday, kadib in muddo ah uu ku xanuunsanaa dalkaasi.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here