Ra’iisul Wasaaraha Xukuuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Ahmed Juma Al-Rumaithi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa kulankooda diiradda ku saaray arrimo muhiim u ah horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Advertisement

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga iyo bini’aadanimada.

May be an image of 2 people, the Oval Office and text

Danjire Al-Rumaithi ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya in ay ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab  iyo dadaalka ay ugu jirto kor u qaadidda dhaqaalaha, hufnaanta iyo la dagaallanka musuq-maasuqa.

Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Ahmed Juma Al-Rumaithi ayaa xusay in dhankooda ay ka go’an tahay taageero dhinacyo kala duwan sida amniga, arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Previous articleCiidamada dowladda oo u jiheystay degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri
Next articleSaciid Deni oo Magacaabay 3 Xubnood oo kamid ah xubnaha Gudiga Doorashada Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here