Guddoomiyaha hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga, Filippo Grandi, ayaa dowladda Itoobiya ku booriyay in ay hay’adaha gargaarka u oggolaato inay galaan gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas, si gargaarka loo gaarsiiyo dadka ay dhibaatada kasoo gaartay dagaaladii gobolkaas ku dhexmaray dowladda iyo xooggaga TPLF.

Tan iyo bishii Nofembar ee sanadkii hore, dowladda Itoobiya ee uu hogaamiyo Dr Abiy Axmed ayaa dagaal kula jirtay xooggaga TPLF oo mar dalkaas awood badan ku lahaa.

Dad lagu qiyaasay 60 kun ayaa u qaxay dalka deriska ah ee Sudan, halka kuwa kalena la aaminsan yahay inay ku barakaceen gudaha dalkaas. Inta badan gobolka Tigray ayaa waxaa ka maqan isgaarsiinta.

Laba bilood kahor ayay ahady markii dowladda Itoobiya ay guul ka sheegatay dagaalkii ka dhanka ahaa ciidamada gobolka Tigray.

 

Haseyeeshee haatan waxaa la soo warinayaa kufsi baahsan oo ka dhacay gobolkaas. Qaar kamid ah diblomaasiyiinta shisheeye ee dalkaas waxay soo sheegayaan in xadgudubyo galmo ay ka dhaceen dalkaas iyo dad baahan oo loo adeegsaday siyaabo khaldan.

Ciidamada dowladda Eritrea oo ah dal maamul adag uu ka jiro, kuna yaalla waqooyiga dalkaas ayaa lagu eedeeyay inay la safteen dowladda Itoobiya, ayna gobolkaas ka geysteen dembiyo, gaar ahaan muwaadiniin kasoo jeeda isla dalka Eritrea, kuwaas oo waqooyiga Itoobiya ku noolaa kahor inta aysan bilaabanin dagaallada.

 

Madaxa hay’adda UNHCR ee qaxootiga, Filippo Grandi oo booqday xero qaxooti oo ku taalla waqooyiga dalka Itoobiya, ayaa sheegay in inkastoo ay jirto xaalad amni darro, haddana loo baahan yahay in dowladda ay gargaarka u fasaxdo gobolkaas.

“Qaramada midoobay waxay ka shaqeysaa Yemen iyo waqooyiga Suuriya, waxaana jira hannaan dhisan oo aynu ugu diyaar garownay in aynu wadahadal kula furno dowladda, taas oo durbaba aan bilownay in aynu kala hadalno dowladda, si aynu uga shaqeyno goobaha dagaalladu ka jiraan,” ayuu yiri Filippo Grandi.

Sidoo kale hay’adda qaxootiga caawisa ee dalka Norway ee NRC ayaa sheegtay in dad aad u kooban oo ay saameeyeen dagaallada loo gargaaray.

Ra’iisul wasaaraha dalkaas, Abiy Axmed oo horay ugu guuleystay billadda nabadda ee Nobel sanadkii 2019, ayaa haatan caalamka kala kulmaya cadaadis iyo in gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here