Nairobi (dayniiile.com)-Sida ay goor dhaw ay shaacisay Idaacada Star FM ee codka Waqooyi Bari Kenya Maalinta Isniinta ee soo socota waxay Dowlada Kenya soo bandhigeysaa aqoonsi qaran oo dhijitaal ah oo loogu magacdaray Maisha Card.

Sharciga Kibaandhaha loo yaqaan ee hada la soo badalay oo qorshuhu ahaa in maanta la soo bandhigo ayaa loo badalay isniinta soo socota markii in dib loo dhigo la isku raacay.

Advertisement

Qorshaha Dowlada Kenya waxaa  saxaafada la wadaaay Xoghayaha joogtada ah ee waaxda socdaalka dalka ,Julius Bitok.

Sarkaalkaan mar uu soo hadal qaaday in Kibaandhihii hore la badalay ayuu sheegay ineysan qasab ahayn in la badalo balse qofkii uu ka dhumo midka cusub loogu badeli doono.

“carruurta dhasha waxaa la siin doonaa aqoonsi u gaar ah oo ka turjumaya nambarka shahaadada dhalashada”ayuu yiri Bitok

Soo saarista kibaandhahaan cusub ee Digitalka ah ayaa yimid kadib markii 30-kii bishii June ee sanadkan madaxda Dowladu amar ku siiyeen Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo isgaarsiinta inay 3 bilood gudaheeda ku soo saaraan aqoonsi cusub.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleNin magaca Sirdoonka Kenya ku qaatay lacag baad ah oo Maxkamad la soo taagay.
Next articleTaliyaha Booliiska oo Xariga ka jaray Saldhiga Booliiska Degmada Yaaqshiid oo dayactir lagu sameeyay+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here