Xafiiska xakameynta hantida Dibadda ee Wasaaradda Maaliyada dalka Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay Cabdiwali Maxamed Yuusuf oo ah madaxa xafiiska Maaliyadda kooxda Daacish Soomaaliya ee xiriirka la leh kooxda ISIS ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Siiriya.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ninkaan oo wakiil uga ah Daacish Soomaaliya uu qaabilsanaa bixinta dhaqaalaha, hagidda laamaha iyo shabakadaha Daacish ee ku yaala qaaradda, islamarkaana uu kaalin muhiim ah ka qaatay inuu gudaha Soomaaliya geeyo dagaalyahanada ajaaniibta ee ka barbar dagaalanta Daacishta Soomaaliya, agab iyo saanad ciidan.

Waxaa la sheegay in ninkaan uu kooxda Daacish uu xubin muhiim ah ka ahaa tan iyo sanadkii 2019-kii, wuxuuna warbixino siiyay madaxda kale ee Daacishta Soomaaliya ee kala ah Cabduqaadir Muumin iyo Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, kuwaas oo horey dowladda Mareykanka ugu soo rogay cunaqabateyn.

Mareykanka ayaa sidoo kale tilmaamay in dhaqaalaha Daacishta Soomaaliya soo gala inuu yahay mid ay si xoog ah ay kaga qaado dadka Soomaaliyeed ee ku ganacsada magaalooyinka waa weyn, iyadoo ka faaideysaneysa tabar yarida laamaha amaanka dowladda Soomaaliya.

Advertisement

Si kastaba ha ahaatee xayiraada Mareykanka uu kusoo rogay Cabdiwali Maxamed Yuusuf  ayaa timid saacado kooban kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kala hadlay ku xigeenka Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortaga maalgelintooda Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Maraykanka ee cunaqabateynta Maaliyadeed ee kooxaha argagixisada ah.

Previous articleWasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS: “Dagaalka sanadka socda wax badan oo guullo ah ayaa lagu gaaray”.
Next articleXildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto Puntland oo baaq soo saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here