HomeWarkiiDowladda  oo hirgelisay war la-lis-kii ugu horeeyay oo casri ah+SAWIRRO

Dowladda  oo hirgelisay war la-lis-kii ugu horeeyay oo casri ah+SAWIRRO

May be an image of satellite dishMuqdisho, 17 July 2025: Muddo haatan laga joogo 35 sano kadib, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay war laliskii ugu horeeyay ee warbaahinta (Media Satellite Teleport), oo qeyb ka qaadanaya horumarinta isgaarsiinta iyo tebinta casriga ah ee warbaahinta dalka.
Xaruntan cusub ee casriga ah ee ku shaqeysa nidaamka digitalka ayaa u saamixi doonta Warbaahinta Qaranka baahinta tooska ah ee barnaamijyada kala duwan ee warbaahinta, iyadoo la adeegsanaysa dayax-gacmeedyo gaar ah, taasi oo looga maarmi doono in adeegyadaasi loo maro dalalka dibedda.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Golaha Wasiirrada u sheegay in xaruntan cusub ay sidoo kale siyaabo kala duwan oo amniga ay ka mid tahay u isticmaali karaan hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Golaha Wasiirrada ayaa kulankoodii toddobaadlaha oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa lagu bogaadiyay Wasaaradda Warfaafinta oo ku guulaysatay hirgelinta War-laliskan casriga ah ee (MEDIA SATELLITE TELEPORT), kaas oo u suurtagaliyay Warbaahinta Qaranka in ay tayayso adeegyadeeda Warbaahineed.
Wasaaradda Warfaafinta ayaa xustay in mashruucan cusub ee dhaqan galey uu qeyb ka yahay qorshaha lagu ballaarinayo dhismaha kaabayaasha casriga ah ee warbaahinta, digital-ka, horumarka tiknoolojiyadda la xiriira iyo weliba abuurista fursado shaqo.
Soomaaliya waxay lahaan jirtey Teleport Analogue ah oo hoos imaan jiray war laliskii hore ee dalka oo dagaallada sokeeye ku burburay 34 sanno ka hor.May be an image of 1 person and textMay be an image of textMay be an image of 2 people, television and textNo photo description available.May be an image of 6 people, dais and textMay be an image of satellite dish
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -