Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay heshay hubka cul culus iyo diyaarado dagaal si ay dagaal xoogan ula gashao ururka Al-Shabaab oo meelo badan oo dalka ah weli gacanta ku haaya.

La taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in horay dowladda Soomaaliya ay duqeymo uga burburisay Al-Shabaab, sidoo kalena uga furatay.

Advertisement

Xuseen Sheekh Cali oo la hadlay Voa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya sanadkii hore ee 2022 laga qafiifiyay cunaqabateyntii hubka ee saarnaa, taasina ay keentay inay keensato hubka cul culus oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in diyaarado Hilacoptaro ah iyo Hubka waaweyn ay dowladda Soomaaliya ka heshay qaar kamid ah dowladaha taageera kuwo kalena ay sii iibsatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here