Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo kaashaneysa Saaxiibada Caalamka ay beegsadeen Goob ay ku sugnaayeen Saraakiil katirsan Al-Shabaab oo kutaalla Gobolka Jubbada Dhexe.

” Xalay Abaarihii 8:15 Fiidnimo ayaa Ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxaa ay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday koox ka tirsan Al-Shabaab  ka fuliyeen deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.

Advertisement

Warka kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo ah duqeyn lagu beegsaday goob uu shir uga socday Saraakiil Al-Shabaab ka tirsan waxaana halkaas ku gaaray Khasaare xoogleh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Saraakiil ka tirsan Taliska qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay howlgalka iyo Khasaaraha cadowga gaaray.

Previous articleMadaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo dhawaan dalka dib uga soo Labtay ayaa kulan wada tashi ah la qaatay qaar ka mid ah Xildhibaannada golaha shacabka
Next articleGuddoomiyaha Xarardheere: “Dadkii horay uga baxay Degmada dib ayay usoo laabteen”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here