Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 66-aad iyo 83-aad guutada 14-ka Oktoobar ayaa howlgal qorsheeysan kasameeyay tuulooyin u dhow degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen tuulooyinka Def Wariiri iyo Malable oo dhanka koonfur-galbeed kaga beegan degaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha hoose, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay khasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Advertisement

Taliyaha Guutada 14-ka Oktoobar Gaashaanle Dhexe Nuur Maxamed Gaaboow ayaa Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay inay kawar heleen in Al-Shabaab ay isku uruursanayaan tuulooyinka Deg-wariiri iyo Malable halkaasna ay ka fuliyeen howlgal qorsheeysan oo ay ku dileen 15 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ciidanka xoogga dalka ay wadaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab si guud ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose ay uga saaraan Al-Shabaab.

Dhowr jeer ayaa degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada xoogga dalka iyo Al-Shabaab, waxaana Ciidamada mararka qaar ay fuliyaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Previous articleSomaliland & SSC-Khaatumo oo Bariga Laascaanood ku dagaalamaya.
Next articleWararki u danbeeyey Ciidanka Somaliland oo laga qabsaday taliskii Goojacadde

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here