Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB, ayaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ka sameeya tuulooyinka u dhexeeya degmada Galcad iyo degaanka Bud-bud ee gobolka Gal-guduud, halkaas oo Xarumo waaweyn ay ku lahaayeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa a ku warrameen in intii uu howlgalka socday dagaal saacado badan qaatay uu dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Advertisement

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay inay khasaasro xoogan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, lagana urburiyay Xarumo keyd u ahaa oo ay Sunta iyo alaadaha kale ee ay ka sameeyaan walxaha qarxa ay u yaaleen.

Sidoo kale Sarakiisha waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu dilay Xubno fara badan oo ku sugnaa degaan lagu magacaabo Gariyaale, kuwaas oo aaraya 18 isugu jira Saraakiil iyo Xubno kale.

Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si ay uga xorreeyaan degaannada iyo degmooyinka kale ee Gobolka Galgaduud.

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa mararka qaar waxaa ay fuliyaan howlgallo gaar ah oo lagu beegsado Saraakiisha iyo Xubnaha Al-Shabaab, waxaana maalmihii la soo dhaafa howlgallo ka wadeen degaano katirsan Jubaland, iyaga oo degaano horleh kala wareegay Al-Shabaab.

Previous articleOdayaashii reer Muqdisho ee isku xilqaamay xalinta colaada Laascaanood oo maanta Hargaysa ka dhoofay
Next articleCiidamada TPLF oo soo galay xuduuda oo sababay in rasaas la isweydaarsado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here