Ciidamada boolisa Millataara oo kaashanaya Ciidamada NISA kuwa hubeysan ee duufaan ayaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen degaano kuyaalla xadka kala qeybiya Gobolada Shabeellooyinka iyo Banaadir.
Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen degaannada kala ah, Geed faqay, Walamow, Sabyo iyo Beerta Cali Mahdi, halkaas oo la sheegay inay mararka qaar saldhigyo ka sameystaan Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.
Taliyaha Ururka 1aad ee Boolisa Millataariyo Dhamme Maxamed Aadan Afxarago iyo Kabtan Maxamed Soomaaliya Taliyaha ururka 3aad ee Boolisa Millataaro iyo Taliyaha ciidanka Duufan, waxaana ay sheegeen in u jeedka howlgalka uu ahaa la dagaalanka Al-Shabaab.
Waxaa sidoo kale ay sheegeen in intii ay wadeen howlgalka ay gacanta ku dhigeen Xubno lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay u gudbinayaan hay’adaha Garsoorka si cadaaladda loo marsiiyo.
Wararaka la helay ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isaga baxeen degaannada howlgalka laga sameeyay inta aysan gaarin Ciidamada dowladda, waxaana degaannada ay ahaayeen kuwii ay Al-Shabaab kasoo tuuri jireen hoobiyeyaasha kana soo abaabuli jireen weerarada ay ka geystaan Magalada Muqdisho.
Saraakiisha Ciidamada Boolisa Millataaro ayaa waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta laga xaqiijinayo amniga degaannada kuyaalla xaduudka Gobolada Banaadir iyo Shabeellooyinka.
Degaannada ay Ciidamada dowladda howlgallada ka sameeyeen ayaa dhowr jeer waxaa la wareegay Ciidamada dowladda balse ay kasoo laabteen, taas oo keentay inay dib ugu soo laabtaan Al-Shabaab.