Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Dalka Ruushka Md. Timur Igorevich Maksimov la saxeexday heshiis ay Dawladda Ruushku kaga dhaaftay lacag dhan $ 640 million.
Saxiixa Heshiiskan ayaa lafdhabar u ah dhammaystirka geediga dayn cafiska Dalka.
Advertisement
Heshiiskan taariikhiga ah ayaa ka dhacay magaalada Saint Petersburg oo uu barri ka furmayo shir waynaha Afrika iyo Ruushka oo ay ka qeyb galayaan wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac.