Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Drs Fawziya Abiikar Nuur ayaa maanta Xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimadka ku soo dhawaysay wafdi uu hogaaminayay Agaasimaha guud ee Hay’adda Caafimaadka guud ee dalka Sweden Dr Johane Carlson iyo ku xigeen kiisa oo ay wehliyaan Safiirka Sweden.

Madax ka socotay Hay’addaha Caalamiga ah oo uu wehliyo Prof Khaliif Bile. Soo dhawaynta waxaa qayb ka ahaa Agaasimayaasha Wasaaradda Caafimaadka iyo Agaasimaha Machadka Qaran Caafimaadka ee Soomaaliya (NIH) Wafdiga ayaa isla maantay booqday isbitaal Guud ee Demartino halkaas oo ay kula kulmeen Agaasimaha guud ee isbitaalka iyo madaxda kale, si ay u qiimeeyaan xaaladaha Caafimaad ee ka socdo isbitaalka iyo sidii loo hormarin lahaa korna loogu qaadi lahaay adeega Caafimaadka ee isbitaalku siiyo Bulshadda.

Hay’adda SWIDISH PUBLIC HEALTH AGENCY waxay matano la tahay Machadka Qaranka Ee Caafimaadka Soomaliya (NIH) oo xaruntooda dhexe la filaayo in mardhaw laga dhiso Isbitaalka guud ee Demartino.

Ugu dambayntii Wasiirka Caafimaadka ayaa uga mahad celisay booqashada wafdiga kuwas oo muddo 3 cisho ah u joogi doona hawlo shaqo dalka gudihiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here